Hayadda Xanaano oo Maanta dhagax dhigtay Xarunta Agoonta ee Soomaaliyeed

Gudoomiyaha hayadda Xanaano u qaabilsan arimaha Soomaaliya marwo Xabiibo Kofurow iyo masuul ka socday haydda Xanaano ee wadanka Norway laguna magacaabo Axmed Oriye  ayaa Maanta dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Agoonta Xanaano, munaasabad gaaban ayaa ka dhacday duuleedka bari, halka loo yaqaano New Gaalkacyo ama Gaalkacyadii Cusbeyd

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Masuul ka tirsan Ururka Xanaano, kaasi oo lagu magacaabo Axmed Oriye, Asagoona sharaxaad ka bixiyay Aas aaskii Ururuka Xanaano iyo Wax qabadkii Sanadihii ugu danbeeyay Caruurta Agoonta ah ee ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sidoo kale sheegay inay san jirin Hadaf gaar ah oo ay samafalkaan ka leeyihiin, waxa uuna ugu danbeytii ugu baaqay qof walba oo soomaali ah in uu kala qayb qaato caawinta caruurta yar yar ka ah islamarkaana agoonta ah.

dadweynihhi ka soo qeyb galan dhagax dhiga Xarunta Agoonta Xanaano, oo qiyaas ahaan dhulka uu ku fadhiyo gaaraya 140 lagu dhuftay 100,  ayaa halkaasi ka hadlay waxayna  ugu mahad celiyay Ururka Xanaano hawsha wanaagsan ee ay qabteen, Ayagoona hoosta ka xariiqay inay ku taageeri doonaan Samafalka Caruurta Agoonta ah ay u fidinayaan, waxayna  ugu baaqeen cid walba inay ka qayb qaadato holwlaha noocaan ah ee lagu caawinayo Agoonta Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ururka Xanaano waxa uu fadhigiisu yahay Dalka Norwey waxana hogaamiya dhalinyaro  Soomaaliyed oo iskood isku xilqaamay markii ay arkeen dhibaatada baahsan ee ku habsatay bulsha weynta soomaaliyeed qaasatan caruurta Agoonta ah.

Haydda Xanaano mudo 5 sano ah ayey garab taagnaayeen Caruurta Agoonta ah, Ayagoona ka bixin jiray Schoolka iyo dugsiga Qur’aanka, iyo nolol maalmeedkooda. sidoo kale waxaa Agoonta laga caawiyaad dharka uniformka Scoolka ay ku dhigtaan.

Dhan walba hajirtee waa markii ugu horeysay ee Xarun noocaan ah islamarkaana lagu xanaaneynayo Caruurta Agoonta laga dhagax dhigo Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay masuul ka yihiin Ururka Xanaano ee Dalka Norwey.

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply