HAY,ADDA XANAANO ee Norway OO DEEQ FIDRO gaarsiiyay Agoonta ku dhaqan Somalia +Sawiro

Ururka Xanaano ee Norwey oo Maanta Deeq Fidro ah Gaarsiiyay Agoonta ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

 

 

 

Ururka Xanaano ee Fadhigoodu yahay Magaalada Oslo ee Xarunta Dalka Norwey ayaa Maanta Gaarsiiyay Deeq Fidro ah Caruurta Agoonta ah islamarkaana Ku sugan Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo gaarayay Ilaa 250 oo Agoon ah.

Xabiibo Maxamud Cabdi Koonfuraw, Ayaa deeqdaasi Fidrada ah maanta gudoonsiisay Caruurtaasi Agoonta ah, islamarkaana ku kala sugnaa Xarunta Xanaanda Agoonta ee Imaamo Nabawi iyo Dugsiga Horseed halkaasi oo ay ku jiraan Caruur gaaraysa ilaa 300 cunug oo agoon ah.

Xabiibo Maxamud Cabdi Koonfuraw Ayaa markii hore Deeqda ku hor marsiisay Xarunta Imaamu Nabawi halkaasi Warbaahinta kula hadashay Waxa ayna sheegtay in Ururka Xanaano ee Dalka Norwey ay deeqdaan fidrada ah u soo direen Caruunta Agoonta ah islamarkaana ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, Dhanka kale Caruurta Agoonta ah ee halkaasi ku suganayd ayaa Mahad celin u jeediyay Ururka Xanaano Ayagoona ILAHAY uga baryay in uu ka abaal mariyo.

Sidoo kale Xarunta Dugsiga Horseed  oo ay ku sugnaayeen Caruur Agoon ah iyo Hooyooyinkii dhalay ayaa lagaarsiiyay Deeqda Fidrada ah Waxaana loo qeybiyay dhamaan caruurtii halkaasi joogtay oo Gaaraysay ilaa 100 Cunug, sida Mar kale ay sheegtay Xabiibo Maxamud Cabdi Koonfuraw.

Caruurtii halkaasi lagu gudoosiyay Deeqda Fidrada ah ayaa dhankooda u mahad celiyay Ururka Agoonta ee Xanaano, waxa ayna caruurtaasi sheegeen in Mudo 5sano ah uu ururkaasi ka caawinayey xaga waxbarashada iyo nolasha aas aasiga ah.

Hooyooyinka Dhalay Caruurtaasi Agoonta ah ayaa Mahad balaaran u celiyay Ururka Xanaano ee Dalka Norwey oo kala shaqeeyay Korinta Caruurtooda, Waxa ayna ILAHAY uga rajeeyeen in uu ka alaab mariyo Garabka ay ku siiyeen Korinta Caruurtooda Agoonta ah islamarkaana cid kale oo u maqan aysan jirin ILAHAY mooyee.

Ugu Danbeytii Marwo Xabiibo Maxamud Cabdi Koonfuraw Ayaa halkaasi sidoo kale ku gudoonsiisay Dad dan yar ah Deeqdaasi Fidrada ah islamar ahaantaana ay soo dhiibeen Ururka Xanaanda Agoonta , Sikastaba ha ahaatee Ururka Xanaanad Agoonta ee Fadhigoodu yahay Dalka Norwey ayaa ku caanbaxay taageerida Caruurta aadka u da’da yar ee Agoonta ah Mana ahan markii ugu horeysay ee Deeq noocaan ah ay soo gaarsiiyaan Caruurta Agoonta ah ee ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyin kaleba

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply