Hayada Xanaano oo soo bandhigtay waxqabadkeeda soona jeedisay codsi

 

 

 

 

 

 

Hayada Xanaano oo soo bandhigtay waxqabadkeeda soona jeedisay Codsi.

Hayada Xanaano ayaa waxay ku guulaysatay inay 60 agoon ah oo da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 jir quudiso waxbarashana siiso. Maamulka hayada Xanaano ayaa iyaga oo u waramaya Warcusub Media waxay sheegeen inay bilaabeen xanaanada agoonta 2008dii.

warkii oo fahahsan iyo video halkaan ka sii aqriso

Abdi Tahliil Gureey oo ah gudoomiyaha Xanaano oo ka warbixinayay hay’ada ayaa sheegay in hawshaan u sameeyeen si ay Ilaahay ugu dhawaadaan.

Ahmed Oriye oo ka mid ah maamulka ayaa isna yiri:

“Agoonta qaar ayaa waxaan gaarsiinay ilaa iyo dugsiga dhexe. Waxaan u mahad u celinaynaa walaalaha nagu kaalmeeyay hawshaan.”

Xanaano oo xafiiskeedu ku yaal Norway Oslo ayaa ushaqaysa sida hayadaha Caalamiga ah. Waxay leeyihiin gudi hogaamiya hayada oo ka kooban 8 xubnood waxayna kulmaan bishiiba mar sida caadiga ah. Laakiin mar mar ayaa waxay kulmaan sadex jeer bishiiba hadii ay jiraan arimo muhiim ah sida Ahmed u sheegay Warcusub Media.

Hayada waxaa hada haysta hal dhibaato oo ah in 450 agoon ah ay ku jiraan liiska sugista, amaba sida Norway looga yaqaan “venteliste.” Sababta ayaa ah hay’ada oon u hayn wax deeq ah. Sidaa darteen ayaa Xanaano waxay ka codsatay Soomaalida inay ku caawiyaan sidii agoon dheeraad ah loo kaalmayn lahaa.

Mar Warcusub Media suaashay Ahmed Oriye qaabka lacagta loo bixin karo ayaa waxuu yiri:

walal wixii aad Agoontan ku cawineyso ku soo shub Koontadan : 91003293292: jisakalaahu kheyr

Afar hab ayaa lacagta loo bixin karaa. 1. Paypal (fiiri www.xanaano.org) 2. In lagu soo shubo koontada hayada oo ah 91003293292,  3. In la daabacdo foomka, la buuxiyo kadibna boostada nalooogu soo diro iyo 4. In xawaalada la so dhigo deeqda.
Warbixin intaa dheer booqo www.xanaano.org, ama wac talefoonada: 908 5 54 93, 91 85 84 67, 45 80 56 48

 daawo video ga waxqabadka Hay`ada Xanaano:     Halkaan ka daawo video

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply