Zakatul Fitri 2011

Hay’ada Xanaada Agoonta Soomaaliyeed oo  Fidro u qaybisay Dadka ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo.

Dad aad u farabadan oo iskugu jira Haween iyo Caruur Ayaa maanta loo qaybiyay Fidro, taasi oo iskugu jirta Bariis iyo Timir, Ayadoona Fidradaan ay soo dhiibeen Hay’ada Xanaanada Agoonta Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Wadanka Norwey.

sii aqri
Gudoomiyaha Ururka Haweenka , Marwo Xabiibo Koonfuraw, oo ka mid ahayd dadkii fidradaasi qaybinayay, islamarkaana loo xirsaaray in Dadka fidradaasi ay gaarsiiso, Ayaa Idaacadda Hobyo uga warbixisay Sida Wax ay u qaybiyeen iyo cida soo gaarsiisay.

Marwo Xabiibo ayaa sheegtay in Caruur Agoon ah iyo Dad Danyar ah, maanta ay u qaybiyeen Fidro, taasi oo ay sida sheegtay soo gaarsiiyeen Hay’ada Xanaanada Agoonta Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Ururka Haweenka  Xabiibo koonfuraw, ayaa intaa ku dartay in Hay’adaani horay Caruurta Agoonta ee Gaalkacyo ku dhaqan u taa kulan jirtay, Ayadoona islamarkaa ka bixin jirtay Waxbarashada iyo wixii ay Agoontu u bahdaan.

Ugu danbaytii Marwo Xabiibo ayaa u mahad celisay Hay’ada Xanaanada Agoonta soomaaliyeed, Sida had iyo goor ay u garab taagan yihiin Caruurta yar yarkaa ee Agoonta ah, ayadoona hadalkeeda ku soo gaba gabeeysay in maalin maalmaha ka mid ah laga abaal marin doono Wanaaga iyo asxaanka Walaalahood ay u sameynayaan.

Dhan walba hajirtee Ma’ahan markii ugu horaysay ee deeq noocaan ah loo soo dhiibo Caruurta Agoonta ah ee ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo, taasi oo loo soo marsiiyo Ururka Haweenka.

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

        

 

 

 

 

 

 

      

 

 

 

 

 

 

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply