
Archive for the ‘Sawiro’ Category
Shir sanadeedkii Hayada Xanaano oo ka dhacay Oslo by Warcusub.com
December 24th, 2012
farah Hayadda Xanaano oo Maanta dhagax dhigtay Xarunta Agoonta ee Soomaaliyeed
November 5th, 2012
farah
Gudoomiyaha hayadda Xanaano u qaabilsan arimaha Soomaaliya marwo Xabiibo Kofurow iyo masuul ka socday haydda Xanaano ee wadanka Norway laguna magacaabo Axmed Oriye ayaa Maanta dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Agoonta Xanaano, munaasabad gaaban ayaa ka dhacday duuleedka bari, halka loo yaqaano New Gaalkacyo ama Gaalkacyadii Cusbeyd (more…)
HAY,ADDA XANAANO ee Norway OO DEEQ FIDRO gaarsiiyay Agoonta ku dhaqan Somalia +Sawiro
August 21st, 2012
farah Ururka Xanaano ee Norwey oo Maanta Deeq Fidro ah Gaarsiiyay Agoonta ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.
Clander Rabadanka 2012
July 18th, 2012
farah Hayada Xanaano oo soo bandhigtay waxqabadkeeda soona jeedisay codsi
July 15th, 2012
farah
Hayada Xanaano oo soo bandhigtay waxqabadkeeda soona jeedisay Codsi.
Hayada Xanaano ayaa waxay ku guulaysatay inay 60 agoon ah oo da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 jir quudiso waxbarashana siiso. Maamulka hayada Xanaano ayaa iyaga oo u waramaya Warcusub Media waxay sheegeen inay bilaabeen xanaanada agoonta 2008dii.
warkii oo fahahsan iyo video halkaan ka sii aqriso (more…)
Zakatul Fitri 2011
July 12th, 2012
farah Hay’ada Xanaada Agoonta Soomaaliyeed oo Fidro u qaybisay Dadka ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo.
Dad aad u farabadan oo iskugu jira Haween iyo Caruur Ayaa maanta loo qaybiyay Fidro, taasi oo iskugu jirta Bariis iyo Timir, Ayadoona Fidradaan ay soo dhiibeen Hay’ada Xanaanada Agoonta Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Wadanka Norwey.
sii aqri (more…)
Hawlihii ZakatulFitiga ee sanadka 2010
May 25th, 2012
farah
Sanad walba waxay hay’adda xanaano gaarsiisaa Zakat-fitriga ya la baxaan dadka kheyrfalayaasha ah ee ku dhaqan wadamada yurub, gaar ahaan dalalka Scandinavian-ka oo aya ay ku dhaqanyihiin dad soomaali badan oo soomaali ah. Dalka Norway oo ka mid ah dalalkan ayaa labadii sano ee la soo dhaafey (2010 iyo 2011) laga ururiyey zakatufitriga, iyada oo la gaarsiiyey agoonta ay hay’adan xanaano daryeesho. Hay’adan oo had iyo goor u taagan kaalmeynta dhalaaka agoonta ah ee ku nool dalka soomaaliya ayaa ku tala jirta inay sii balaariso hawlaha xanaaneynta ciyaalkaas.
Agoonta Xanaano fadhisa fasalka
May 20th, 2012
farah
Hay’adda Xanaano oo daryeesha in ka badan lixdameeyo agoon ah ayaa hirgalisey mashruuc ay ku dabooleyso baahida waxbarasho ee ciyaalka ay hayso. Hay’adan ayaa ilaa iyo hada u suuro galisey dhamaantood ciyaalkaas inay helaan wax-barashada aasaasiga ah ee uu u baahan yahay qofka insaanka ah. Waxbarashadan ay ciyaalkani haleen ayaa isgu jirta barashada diinta islaamka iyo waliba aqoonta kale ee lama huraanka ah. Ciyaalkan ay hay’adu u suuro galisey in waxbarashada helaan ayay sidoo kale kafaalo qaadey nolashooda tan iyo inta ay ka hana qaadayaan.

Posted in


![CALANDER 2012 RAMADAN A[1]](http://www.xanaano.org/wp-content/uploads/2012/07/CALANDER-2012-RAMADAN-A12-721x1024.jpg)


